About SITPA

SOMALI INFORMATION TECHNOLOGY PROFESSIONALS ASSOCIATION
(SITPA)

 

THE TOTAL SOLUTIONS FOR YOUR IT NEEDS

 

Qeexid:

Somali Information Technology Professionals Association (SITPA)  waa jamciyad ay ku kulansanyihiin rag soomaaliyeed oo jaamiciyiin ah oo  ku takhasusay IT-ga iyo  Computer Science si ay ummada soomaaliyeed uga haqabtiraan baahida IT ay uga baahan yihiin.

 

Ujeedooyinka SITPA:

Ujeedooyinka uu SITPA rabo inuu xaqiijiyo waxaa kamid ah qodobadaan soo socda:

1.     In sare loo qaado fahamka bulshada soomaaliyeed ay ka haysato IT-ga waxa uu yahay iyo muhiimada uu u leeyahay howlaha ay qabtaan.

2.     Ka haqab tirka baahida IT-ga ee ka jirta waaxyaha hay'ad walba oo ka jirta wadankeena

3.     La talin dhamaystiran oo ku saabsan dhanka IT-ga oo la siinaya dhamaan hay'adaha, shirkadaha iyo ganacsatada u baahan in lagala taliyo xaga isticmaalka computer-ka iyo ka haqabtirka baahada ay u qabaan samaynta Website-yo iy Program-yo fududaynaha howlahooda.

4.     Samaynta cilmi baaris la xiriirta IT-ga sii loo ogaado ilaa heer intee la eg ayay soomaalidu ku tiirsantahay isticmaalka ticknologiyada computerka, iyo tira koobida ardayda ka qalin jabisa jaamacadaha lagu barto IT-ga iyo computer Science sanad walba sii lool socdo horumarka ay soomaalida ku socota dhankaas.

5.     Qabashada shirar aqoon isweedaarsi oo looga doodayo qodoba la xiriira IT-ga oo ay ka qay galayaan dad aqoon u leh IT-ga.

Adeegyada ay bixiso SITPA:

SITPA waxa ay bixisaa adeegyadaan:

1.     Samaynta Website yada fudud (Static Pages) iyo kuwa hormarsan (daynamic pages) iyo kuwa la programiyo (Programming Web Sites), iyo Registeraynet Domains ka iyo waliba Web Hosting

2.     Samaynta Program yada ay ugu baahan yihiin sida gaarka ah ganacsatada, shirkadaha, jaamacadaha, Schoolda, iyo hay'adaha kala duwan ayada oo la isticmaalayo tichnologiyada ugu danbaysa ee loo isticmaalo programminta compterada.

3.     Isku xirka computerada ay leeyihiin hay'adaha shirkadaha, ganacasatada, iwm.

4.     Bixinta talooyin ku aadan xaga isticmaalka tichnologiyada la xiriirta IT-ga.